Monday, August 10th, 2020
header

Maxaa loo malaynayaa in Xasan Cali ku waayay jagadiisa yaase ku faraxsan

Waxa maanta si lama filaana kalsoonidii loogala noqday raiisal wasaare Xaan Cali Kheyre oo xukuumadiisa lagu xasuusto inay dhaqaajisay deyn cafinta inkastoo ayna wax horumara ka samayn dhinaca shaqo abuurka guud ahaan dalka.



”Waxa jira kobac dhaqaale ee ay keentay deganaanshaha dawladnimo ee ay keentay wadashaqaynta ka dhaxaysay raiisal wasaare Casan Cali iyo madaxweyne Farmaajo, waxase farogelin xun ku hayay kooxda beesha caalamka ayuu yiri Cali Calasow.

”Waxa hubaala in Xasan Cali jagadiisa ku waayay ka dulboodka barlamaanka inkastoo aan shaki ku jirin in beesa garanayn kaalinta madaxweynaha ku leeyahay.

Xukuumada Xasan Cali oo lagu eedeeyay inay ka gaabisay dhinaca doorashada oo kooxda beesha caalamka aad u danaynaysay, ma jirin wax taageero ah oo uu ka helay kooxdaas hadday noqoto dhaqaalaha ku baxaya nidaamkooda.



Inkastoo Xasan Cali uu ka soo jeedo beesha Hawiye haddana Hawiye badankiisa waa diidey siiba beesha degta Muqdisho hareeraheeda oo iyagu qaba inay kursigaa ama ka madaxweynaha iyagu leeyihiin, waxayna bilaabeen olole dhicis isla markiiba noqdey oo qabyaaladeysan.

Hadda uu xukunkii laga tuurey waa aamuseen durbaba waxayna rajaynayaaan in iyaga markale lagu celiyo, halka ummada kale sugayaan in bal markan raiisal wasaasre kala guura loo magacaabo beesha DIR ama beesha shanaad.

Beesha Hawiye oo ka cabsi qabta in laga wareejo raiisal wasaaraha ayaa duqeydoodu ka soo saareen war ay ku leeyihiin kuna taageerayan in barlamaanka lagala wareego talada dalka.




Si kastaba ha ahaatee Xasan Cali wuxuu ahaa shaqsi ka soo baxay shaqada inta uu awoodo, maalmihii u dambeeyayna wuxuu booqdey Qadar halkaas oo la sheegayo inuu kiish lacago ah soo xaabsaday. Wuxuuna furan karaa xisbi isagoo ku faanaya waxqabadka kooban ee uu Xamar ka sameeyay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)





Warning: Use of undefined constant end - assumed 'end' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/s8724/public_html/wp-content/themes/codkadalka_theme1/functions.php on line 1037
Wararka xiga

Fadeexad: argagixiso lagu naas-nuujinayay Muqdisho oo toogtey ilaaladii xabsiga

August, 10, 2020
Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ka ...

Horjooge Muuse Biixi oo lacag ka dalbadey telefishanada Universal iyo Star tv

August, 10, 2020
Horjoogaha maamulka Somalilaan Muuse Biixi ayaa lacag gaaraysa ...

Madaxweynaha la doortey ee Belaruus oo farta ku fiiqay dalalka qasaya dalkiisa

August, 10, 2020
Madaxweynaha dalkaasi ka tirsanaan jirey midowgii Soofeeti ee ...

Muuse Biixi oo soo rogey shaqaalaysin sida Carabta ah gaar ahaan ajaanibta

August, 9, 2020
Maamulka fashilmery ee uu horklacayo Muuse Biixi ayaa ...

Xisbullah oo noqdey dawlada keliya ee ka taagan Lubnaan

August, 9, 2020
Ururka Xisbullah ee ka jira Lubnaan oo noqdey ...


Warning: Use of undefined constant end - assumed 'end' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/s8724/public_html/wp-content/themes/codkadalka_theme1/functions.php on line 1037
Dhacdooyinka

Sh Maxamed Idiris oo ka naxay amaan la huwiyay maamul jufeedyada

July, 14, 2020
Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culimada ...

Masar oo kor u qaaday diyaar garowga dagaal ay la gasho Erduqaan

July, 11, 2020
Wasiirka difaaca Masar wuxuu hadda in bil ahba ...

Dalkaasi Kasakhistaan oo neef-qabatoo cusub ay dad badan ugu dhinteen

July, 9, 2020
Safaarada Shiinaha ee dalkaasi Kasakhistaan ayaa dadkeeda uga ...

Dhacdo laga argagaxay oo ka dhacdey duleedka Muqdisho

July, 9, 2020
Dhacdo aad looga argagaxay ayaa maanta ka dhacday ...

Madaxweyne iska indhatirey cudurka Kooro oo uu ku dhacay

July, 7, 2020
Madaxweynaha dalkaasi Barasiil ayaa sheegay inuu haleelay cudurka ...

Ganacsatada qaadka Kiiniya oo cabasho oohina ka keenay diyaarad Hargeysa u socotey

July, 7, 2020
Dhawaan ayay ahayd markii diyaarad qaad u wada ...

Iiraan oo ka nixisay Maraykanka iyo Yuhuuda: gantaalo noo aasan ayaa jira xeebta

July, 6, 2020
Sarkaal u hadlay ciidamka sida aadka u tababaran ...