X

Maxaa markasta na hor dhigey in talada dalku hoos taalo maamul jufeed

Markii xukunka loo dhaariyay madaxweynaha hadda xukunkiisu dhamaadka ku dhow yahay ayaa waxyaabaha uu balan qaaday waxa ka mid ahaa inuu sameeyo dawlad wanaag dhinaca go’aan qaadashada ah.

Wuxuu awooda siiyay barlamaanka awoodana ugu dambeysana iyagaa gaarayay. Inkastoo uu jirey dhawaq ah in la tirtiro sheekada aqalka sare ee uu dastuurka ku qortey Faroole iyo Mahiiga.


Waa uu ku guulaystey mudadii sadexda sano ee u horeysay inuu xakameeyo maamul jufeedyada laakiin waxa kooxda sheegata beesha caalamka ay markii dambe ku qasbeen inuu raaco wadadii Xasan Sheekh ee ahayd in maamul jufeedyadu talada dalka gacanta loo geliyo.

Haddaba waxaad is weydiin kartaa maxaa kooxda sheegata beesha caalamka oo ay ku jiraan wadamo aan rabin in dawladnimo hanaqaado dalka ugu cadaadiyaan madaxda qaranka in maamul jufeedyada talada wax laga siiyo ayuu yiri Cali Calasow.


Jawaabtu way iska cadahay waana meesha ay ka hagi karaan dalka siyaasadiisa kana soo saari karaan hogaan liita oo ay ugu dheelaan sidey rabaan Somaliyana ka lumiyaan waqti qaali ah oo lagu xoreyn lahaa ayuu raaciyay Cali Calasow.


Shirka maanta ka furmaya Samareeb wuxuu soo gaaray heerkan markii maamul jufeedyadu dalbadeen in aan dalka la gelinin nidaamka doorashada tooska ah ilaa taladii dalka loo gacan geliyay maamul jufeedyada.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.