X

Wararkii u dambeeyay weerarkii fuleynimo ee argagixisadu ku qaaday huteel Afrik iyo Galaal

Waxa abaaro shantii galabnimo ee maanta argagixisada shabaab ee xalaalaysatey dhiiga muslimiinta ay weerar fuleynimo ku qaadeen mid ka mida huteelada Muqdisho oo u dhow wadada aada garoonka magaalada.


Jeneraal Yuusuf Indhacadde oo warbaahinta uga warbixiyey weerarkaas ayaa sheegay in ciidankiisu ay hoteelka ka soo badbaadiyeen dad badan oo nabad qaba, hawlgalkana ku wareejiyeen ciidanka aadka u tababaran ee Haramcad.

Huteelka ayaa la sheegay in siyaasiinta beesha Hawiye si gooni gooni ah iyo kala shaki ah ugu shirsanaayeen ayaa argagixisadu ogeyd shirarkaan dhacaya ayna is yiraaheen ha dayicina fursadan ayuu qabaa Cali Calasow.

ā€¯Intii kuraas qabiil iyo wax kale laga shiraayay ayaa niman aan aqoon waxaas oo dhiiga xalaalaystey ay weerar huwiyeen ayuu raaciyay Cali Calasow.


Maleeshiyada huteelka galay ayaa xilli dambe la sheegayay inay welli dagaalka ka dhex wadeen huteelka. Dawlada Somaliya ma sheegin inay soo afjartey.

Waxa madaxweynaha Somaliya xaqiijay xilli dambe geerida Jeneraal Nuur Galaal oo ka soo horjeeday in la helo ciidan qaran oo dhisma iyo dalku hela dawlad wada gaarta. Waxa dhawaan lagu sii xasuustaa inuu yiri HAWIYE ayaa u tirobadan Somalida asagoo aan imaan tirokoob saxa.

C/llaahi Warhaye

ARAABIEWS


admin:

This website uses cookies.