X

Dhacdo murugo leh: wiil yar oo lumay kadibna meydkiisa la helay

Dhacdo aad u murugo leh ayaa ka dhacday Soomaali galbeed qaasatan baadiyaha Doolo halkaas oo wiil yar oo mudo la waysanaa hadda la helay meydkiisa oo qolfoofa. Dadka meydkiisa helay ayaa qaba inuu u dhintey haraad xilli abaar ku habsatey deegaanadaas.


Dhacdadan murugada leh oo dadka deegaanku ka seexan waayeen ayaa la sheegay in wiilka yar oo 10 jir ahaa uu raaci jirey adhi kadibna uu is yiri biyo raadso dabateenaa uu garan waayay dhinaca reerku ka xigo.


”Adeer waxaan raadinay muddo 10 cisho ah geeri iyo nolol nasiib darose waxaan saaka helnay meydkiisa oo qolfoofa. Jidhkiisa waxoogaa ayaa ka hadhay waxayna u badan tahay in mardambe xayawaan helay ayuu yidhi oday adeer u ahaa wiilka.



Dhacdadan naxdin leh ayaa imaanaysa xilli dad badan oo Somali ah ay u dhinteen cunto la’aan iyo haraad. Meydka wiilkan wixii ka hadhay ayaa lagu aasay isla deegaanka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.