X

Maxaa sahlay in Tigree tiro yar xukumo Itoobiya muddo dheer

Waxay ahayd 1991 markii dawladii dhexe ee Somaliya ay dalka ka baxday sidaana dalku ku galay burbur xoogan oo dawladeed iyo mid shacaba. Waxa iyana dagaal xoogan ku socday Mingeste Xayla Maryam oo Axmaar ahaa oo reer galbeedku rabeen iany xukunka ka tuuraan.


”Labada dalba way rabeen inay xukunka ka tuuraan waxayse ku horeeyeen Somaliya ayuu yiri Xuseen Warsame. Somaliya waxay ku soo rogeen cunaqabatayn xoogan iyo inay hubeeyaan mooryaantii qabaliga ahayd.

Mooryaanta waxa hubka iyo sahayda siin jirey Mingeste laakiin waxa hilfaha u qaaday dawladii dhexe ee Somaliya oo haysatay hub iyo ciidan aan dalka lagu khalkhalin karin, waxase lagu gaaday dhinaca saxaafada oo ah tan maanta Itoobiya haysata.


Mucaaradka Itoobiya oo intooda badan ka dagaalami jiray gudaha dalka waxay doorteen Milas Sinaawi oo Tigre ah waxayna toos ugu xirnaayeen Maraykanka.

”Waxa aad u caawiyay ma jirin sida hadda qowmiyaduhu u soo jeedaan una hubaysan yihiin waayo xilligaas ma jirin qowmiyado isku xiran keliya waxa jiray magaca guud ee Itoobiya, ayuu qabaa Xirsi Warfaa.


Taasi waxay caawisay in si mideysan xukunka looga tuuro Mingeste, kuwa ugu badan ee taageerada siiyayna waxay ahayd Oromada, waxase ka dambeeyay Milas Sinaawi oo abuuray dastuur ku salaysan qowmiyado isagoo is lahaa u danee Tigreega oo ah dad aad u yar.


Maanta oo ay dileen una dhaceen ciidan qaran waxay is lahaayeen waxaad helaysaan taageero laakiin taageero iska daaye hilfaha ayaa loo qaaday kadibna waa laga soo baxay.



Ka soo bixidii ciidanku ka soo baxay ayay u qaateen inay adkaadeen waxayna isku dayeen inay weeraraan gobolada Axmaarada iyo Canfarta.
Jabka hadda ku socda u malayn maayo inay ka soo hadhayaan waxase muuqata in Cabi Axmed aanu rabin inuu tirtiro.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.