X

Ururka caafimaadka aduunka oo war ka soo saaray hargabka cusub ee Karoona

Ururka caafimaadka addunka ee hoostaga qaramada midoobay ayaa faahfaahin ka soo saaray hargabka cusub ee la aaminsan yahay inuu ka dilaacay Holan laakiin lagu rogey Koofur Afrika. Ururka ayaa sheegay inayn welli arag dad u dhintey hargabka cusub.


”Waxa muuqata in la kordhiyo talaalka dadka difaaca jidhkoodu yaryahay iyo in la soo celiyo afka iyo sanka oo la xirto ayay ku yiraaheen warbixin ay soo saareen.


Dhaqaatiirta Koofur Afrika ayaa iyaguna sheegay in ilaa intii ay arkeen hargabkan cusub uu yahay keliya mid khafiifa oo ayna jirin dad u galay isbitaal. Dhaqaatiirta Shiinaha iyo Yurub ayaa iyaguna sheegaya in ilaa hadda aan laga hayn warbixin guud laakiin aanu u baahnayn in wax laga bedelo talaalada jira

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.