Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Maxaa u sababa in dhalintii ku kortey Somalilaan ay hadda ka soo taagan yihiin: WARBIXIN

Sanado kahor waxa dhalinta ku dhashay Burco iyo Hargeysa ku weynaa magaca Somalilaan iyo goosashada, waa wax dhegahooda ku soo dhacayay muddo labaatan sano dhaaftey laakiin sanadahan u dambeeyay sheekadaasi waa soo afjarantey sida warbixintan aan ku eegayno.



Markaad fiiriso nabada ay dadku keensadeen iyo heshiisiinta beelaha ISAAQ ay heshiisiiyeen beelaha darifyada, waxa 1993 Boorama lagu dhisay maamul qardajeexa oo nabad loogu abuuraayay.

Waxase nabadaas looga faaiideystay in goosasho wax lagu raadiyo ay dabada ka riixayaan dawladaha jaarka iyo gumeysigii weynaa ee Ingiriiska oo ilaa hadda lugna kula jira dawlada dhexe haday danahooda ka waayaana ku gorgortami doona Somalilaan ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.




Waxase taas ka horeeyay nidaam xumo iyo fadhiidnimo ka timi maamuladii isaga dambeeyay Somalilaan oo ah kuwii ugu liitey ee soo mara meel Somali degto laguna hungoobeen, waxana xooga la saaray in nabada la adkeeyo maadaama meelkale oo la tago ayna jirin ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Waxa lagu takrifalay wixii yaraa ee yaalay gobolka, waxa la jaqay cashuurtii hooyada bacadka fadhida halkii markaad eegto mudada nabada la haystay uu gobolku noqon lahaa mid Soomaali oo dhan ay ku soo hirato.



Waxase dhalintu ogaadeen in lagu awrkacsanayo oo kolba siyaasigii shalay caayaayay ama ku awrkacsanayaayay reer Koofur ayaa na xasuuqay uu haddana yidhaa leh war waxaasi waxba kama jiraan ee dhalinta cuqdada ka daaya.

”Waxaan dib u baadhey markaan arkey dagaaladii beeshu la gashay beelaha darifyada ayagoo isticmaalaya hubkii qarankii Somaliyeed iyo waxa ay maalin walba noo sheegeen ee ah waa nala xasuuqey inayna isla lahayn ayuu yiri Yuusuf C/raxmaan oo hadda Xamar ku sugan kana yiri Burco.



”Waxaa igu jirtey oo cuqdadu iiga buuxday reer Koofurka laakiin hadda waxaan ogaadey in reer Koofurka laftoodu dhiban yihiin oo ayna ogeynba colaad loo hayo ayuu raaciyay Yuusuf C/raxmaan.



”Maanta markaad Hargeysa iyo Burco dhexmarto waxa magacii ku soo hadhay inta ku nool mishaharka. Waxa nasiib daro noqotey in dhalintii ku kortey maamulka mudadii burburka ay hadda noqdaan kuwa aan la tusi karin magaca Somalilaan ayuu yiri Nuuradiin Aw Cabdi Diini oo ka tirsan xisbiga Wadani.

Warbxintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...