X

Somali galbeed oo welli ka qatan mashaariicda waaweyn

Inkastoo deegaanka Somali galbeed ay ka nasteen colaadii iyo dilkii iyo weliba isku dirka labada qoomiyadood ee walaalaha ee Oromada iyo Somalida, waxase ilaa hadda aan soo gaarin dhinaca mashaariicda waaweyn ee shaqo abuuraya.


”Taas laguma eedayn karo raiisal wasaare Cabi Axmed waxase eeda weyn iska leh fadhiid Mustafe Cagjar oo aan haba yaraatee garanayn sida wax loo dhaqaajo, gobolkuna wuxuu u baahan yahay isbedel dhaba ayuu yiri Xuseen Warsame.

Hadaan tusaale u soo qaadano intii la eryaday Tigreega waxa mashaariic muhiima laga fuliyay gobolada Axmaarada iyo Oromada laakiin Somali galbeed oo nabada ma jiraan mashaariic waaweyn ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Waxa ugu badan ee la jafjafaa waa wadooyin, kuwaasna gobolku uma wada sina ee waxa laga dhisaa gobolada qabiilkiisu dego. Mashruuca banka Lafaciise ee laga beeri karo Qamadi quudiya dhamaan Harawo iyo Faafan, waxa booqday Cabi Axmed laakiin looma sheegin waxa ka maqan si loo hormariyo ayuu qabaa Xirsi Warfaa.



Isku soo duubaa Somali galbeed waxay u baahan tahay isbedel dhaba oo aqoon ku dhisan lana jaan qaada ama caawisa mida uu wado Cabi Axmed. Gobolada qaar ee Somali galbeed waxay qasbaysaa inay ku biiraan Oromada si ay u helaan horumarka ay xaqa u leeyihiin ayuu raaciyay Xirsi Warfaa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.