Maxaad ka ogtahay macdanta Beryllium (Beriliyam) ee Shiinuhu ka qodanayo dhulkeena siiba buuralayda Siimoodi ee deegaanka Baki ee gobolka qaniga ah ee Awdal. Macdanta Beriliyam waa macdan aduunka qaali ku ah waxana hadda aan ognahay in sadex wadan kaliya ay si ganacsi ah u soo saaraan waana wadamada Maraykanka, Kasakhistan iyo Shiinaha.
Labada wadan ee dambe way joojiyeen ama macdantii ayaa ka dhamaatay umana soo saaraan si ganacsi ah, waxayna hadda ku hadhay macdantan qaaliga ah wadanka Maraykanka oo shirkada la yiraa Materion Brush inc,, ay ilaa kow ilaa hadda ay ka qodo labada gobol ee Utah oo goob saxare ah iyo gobolka barafka ah ee Alaska.
Maxay Tahay macdantan Shiinuhu ka qodanayo Siimoodi ee Beryllium:
Macdantan waa macdan dabiici ah oo aduunka ku baahsan oo xataa ku jirta waxyaabaha aan ku isticmaalo guryaha sida saabuunta weelka iyo xataa baradhada aan cuno.
Laakiin mida Shiinuhu qodanayaa waa mida birta ah iyo waliba dheemanka la socda ee loo yaqaan Emerald. Macdantan waxa bir ahaan ka fudud birta jaandiga ee loo yaqaan Alluminiyam hadana shan jeer ayay ka adagtahay, una adkaysan kartaa culays kasta iyo kulayl kasta oo ku yimaada lagumana yaqaano inay qaac bixiso marka la garaaco.
Waana sababta uu Maraykanku iyo aduunka ku hormaray sancada ay aadka ugu jecel yihiin. Macdantan adkeysigeeda awgeed ayaa waxa laga sameeyaa diyaaradaha, gantaalaha, jambiyada dayaxgacmeedyada ku soo noqonaya dhul kulayskiisu xoogan yahay. Macdantan ayaan lagu aqoon LIIC iyo dabacsanaan.
Waxa laga sameeyaa adeygeeda xadhkaha internet-ka ee yaala badda hoosteeda ilaa hadda laguma arag daxal. Waxase waxaas oo dhan kasii badan waxa birtan si xooga loogu isticmaala sancada casriga sida kambuyuutaradada, telefoonada gacanta, isgaadhsiinta, tuunbooyinka dhulka la dhigo iyo dhamaan sancada casriga ee horumarisey dawladaha aan ognahay.
Waxana kuu muuqda in macdantan kaliya ay abuuri karto malaayiin shaqooyina oo dadka Somaliyeed u baahan yihiin qaasatan hadda dadka reer Awdal oo gobolkoodu yahay mid qani ah laakiin ay hayso shaqo la,aan buuxda inta badan tahriibeen dhalinyaradii hadana la guranayo khayraadkii aasnaa.
Waxay macdantan kaligeed abuuri kartaa ugu yaraan 30 warshadood oo sameeya noocyada kala duwan ee loo baahan yahay. Shiinuhu wuxuu samaynayaa wuxuu toos u qaadanayaa macdanta oo isku taal marka uu gaysto dalkiisana wuxuu ka samaynayaa malaayiin doolar oo ay ku jiraan sancooyinka kor aan ku sheegnay.
Sidee loo soo saaraa maxaase khasaare ku jira:
Macdantan waa sun waxana soo saari kara oo kaliya shirkad takhasus ku leh sida loo ilaaliyo deegaanka, xoolaha iyo dadka waxaana ognahay in shirkadan Shiinuhu ayna intaasba awood u lahayn ayna istcimaalayso cagafyo taas oo keenta in siigada macdantu toos u neefsadaan dadka deegaanka iyo xooluhu.
Laba bilood kahor waxa deegaanka ku dhintey ilaa 300 oo neef oo adhi ah oo dadka deegaanku markii dambe yiraaheen waxay cabeen biyo.. biyahaas ay cabeen ayaa ah biyihii lagu sifeeyay macdanta oo ahayd in Shiinuhu meel ku xafido ayna dadkuna u dhawaan.
Ma jiro xayndaab buuraha Shiiinuhu qodanayo waxana toos u yimaada xoolaha oo daaqa, dadka badankooda ayaa iyaguna ka cabanaya neef qabatow oo ah siigada ka baxaysa qodista buuraha.
Macdantan ayaa marka lasoo saarayo ay adagtahay in lakala saaro iyada iyo dhagxaanta kale waxayna u baahan tahay in si taxadira loo istcimaalo qalabka loona kala saaro. Xataa xaaqinka lama isticmaalo marka la nadiifinayo waayo kama baxdo. Waana in markaste la isticmaalaa biyo si shaqaalaha laftooda loo ilaaliyo caafimaadkooda.
Sawirkan sare waa warshada ugu weyn ee lagu sifeeyo macdanta Berylium kuna taal dalkaasi Marakanka
Imisa ayuu kiilihii ka taagan suuqa aduunka macdantani:
Shiinuhu waxay sheegeen in macdanta ku jirta buuraha Siimoodi ay dhan tahay 500,000 oo kun oo tan, waxaanan ognahay in halkii kiilo uu taagan yahay 350 oo doolar.
Taas waxay ku tusaysaa in gobolka Awdal daaye ay macdantani ku filantahay gobolada Woqooyiga oo dhan..midna ku darso Shiinuhu wuxu qaadayaa iyadoo sideeda u cad waxoogaa shilimaanana wuxuu u laabayaa dadka sunta qaaday ee deegaanka.
Maxaa la gudboon reer Awdal gudaha iyo dibedda:
Waxay ila tahay in ay deegaanka dib ugu soo celiyaan gacantooda wayna awoodaan, waana in loo yeero dad khuburo ah si ay baadhaan dadka deegaanka iyo xoolihii dhintey inta ayna talo farahooda ka bixin. Waxana hubaala in dadka badankoodu aanay fahansanayn faaiidada iyo khasaraha macdantan ayna u haystaan kaliya dad diidan horumarka.
Warbixintan looguma talgelin in dadka la jahwareeriyo qofkii waxgarad ah wuu akhrisan karaa waana baadhi karaa.
Soo diyaarintii Maxamed Yuusuf oo ka mida tafaftirayaasha ARAABINEWS.COM. Sawirada hoosta ayaa ah macdano la sifeeyay oo aad garan kartaan inta halkii xabo taagan yahay qiimo ahaan.
ARAABINEWS.COM