Muranka Federaalka oo aan Somali badan fahansanay waxa uu yahay ilaa hadana ah in siyaasiyiin shaqo waayay ay lacagta masaakiinta fadhi ku cunaan ayaa jahwareer geliyay dalka hawshii ummada loo qaban lahaana dib u dhac weyn ku keenay.
Maamul u samaynta gobolada dhexe ayaa Xasan Sheekh dhex fadhiistey iyadoo muranka hadda ugu weyn uu yahay goobta lagu qaban lahaa iyadoo jufooyinka qaar ay rabaan in lagu qabto magaalada ay leeyihiin waad ku badan tihiin.
Caasimada Dhuusamareeb oo ka mida magaalooyinka ugu liita dalka Somaliya dhinacyada adeega bulshada ayaa iyada jufada ugu badani leedahay waa in halkani lagu qabto.
Waxa kale oo jira dawladaha jaarka oo iyaguna wata qaar ka mida siyaasiyiinta aan aqoontoodu badneyn laakiin raba meel fudud oo lacag ka soo gasho. Jufada Cadaado ayaa iyadu ku adkaysaysa in gurigeeda lagu qabto halkas jufooyinka dega gobolada oo kala duwanina ay leeyihiin wa in shirku joogaa caasimada gobolka.
Xasan Sheekh ayaa isagu wali ku qanci la odayaasha in la tago tuulada Cadaado oo ahaa halkii markii hore lagu balamay.
Murankaas iyo murano kale oo hoose kuna salaysan danaysi gaar ah ayaa keenay in tuulada Guriceel uu ka qarxo dagaal barakiciyay qoysas farabadan.
Isku soo duuboo ilaa laga takhaluso waxan loogu yeeray federal Somaliya waxay ku Jiri doontaa jahwareer ilaa hadana ma jiro hogaamiye ka saara dhibkaas.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS