X

Maxaad ka ogtahay sadexda qof ee dembi aan loo qorin

Alle subxaane watacaalaa waa inoo fududeeyay diinteena, Haddaba maxaad ka ogtahay sadex qof ee aan la xisaabin ilaa ay saaxiga keenayaan. Waxa rasuulkeena inooo sheegay inaan sadex qof waxba laga qorin.



1-Ilmaha yar ilaa uu ka qaan gaaro waxba lagama qoro dembina ma leh. Marka mala yaabtaa gabadhyar oo aan qaan qaadhin oo loo geliyay maro weyn. Markaad weydiiso waxay ku oranayaan way baranaysaa laakiin ma oga inay xoriyada caaruurnimada wax u dhimayso.

2-Qof miyirkiisu joogin ama madaxa naafo ka ah isagana wax lagam qoro oo dembi ma leh ilaa RABI u soo celinayo caqligiisa oo kaamila oo uu ku shaqayn karo maskaxdiisa wax kala garashada.



3-Qofka hurda ilaa uu hurdada ka tooso. Isagana waxba lagam qoro sida hadday salaada hurdo ku dhaafto dembi maleh ilaa uu soo tooso.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.