X

Salaada Jimcaha adoo ajar soo doontey midaan iska ilaali

Sunaha aad u adag maalinta Jimcaha waa in ugu yaraan aad maydhato aadna xidhato dharkaaga kan ugu qurxoon. Ka waran adoo ajar soo doontey haddaad ku kacdo arimaha soo socda.

Salaadu sideedaba waxay kaa joojisaa waxyaabaha xun ee shaydaanku dhegta kuugu sheegayo. Isku day Jimcaha inaad hore u timaado aanad safka ka gasho xagga hore laakiin haddii ay dhacdo inaad soo daahdo iska ilaali arimahan soo socda.



1-Inaad dadka fadhiya soo dhexmarto si aad boosas banaan ee xagga hore ah aad u fadhiisato waayo waa karaahiya dad hore u yimi inaad jiidh-jiidho, waxaanad soo doonatey ajar laakiin karaahiya ayaad kasbatey.

2-In adoo aan soo cadayan aad timaad masaajidka ama soo cabay sigaar waayo waa karaahiya weyn in ur lagaa dareemo oo qofkii kugu xigey aad ku dhibto. Waa sunne salaad kasta ama xilli kasta oo isbedel ay cuntadu ku samayso afkaaga inaad cadayato. Waana sunne adag oo rasuulkeenu scw waa cadayan jiray xilliga salaada.



3-Inaad masaajidka dhexdiisa ku dhex sheekayso ama codkaaga kor u qaado xilliga khudbada ama khudbad la’aanba.

4-Isku day haddii masjidku kaa buuxsamay inaad si xun dadka u cidhiidhin oo aad si akhlaaqa u raadsato boos aad ku tukato, adoo cidna wax kaa tabanayn ha ahaato mid laguu sheego iyo mid aan laguu sheeginba.



5-Xilliga aad baxayso inaadan dadka dardarin oo si tartiiba aad uga dambeyso qofka kaa horeeya, aanad soo baxdo adoo cidna riixin.

Haddii aad ogtahay dad akhlaaqad xumo ku dhaqma salaada Jimcaha nala soo wadaag si aan ugu darno. araabimedia@gmail.com ama bartayada faysbuug.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.