X

Maxaan ka baranay xasuuqii ugu xumaa ee dhiigmiiratadu inoo gaysatay 14-kii Oktoobar

Maanta oo kale 3 sano kahor waxay ahayd maalin madow oo aad u murugo badan kadib markii hiigmiiratada shabaab ay hal mar xasuuqeen in kabadan 500 oo qof magaalada Muqdisho. Waqtiga ayaa ahaa casar dheer oo dadku buuxa suuqa gaar ahaan isgoyska Soobe.


Waxa welli buuxa dad ku curyaamay qaraxaas oo eheladoodu la tacaalayan ilaa hadda oo helay taageero aan badneyn, waxay ahayd in taalo loo sameeyo dadkii la xasuuqay.

”Waxa argagixisadu inagu dhigtey am xasuusto in gumeystaha aan sanad walba ka dabaal degno inuu inagu sameeyay ayuu yiri Cali Calasow. Way jirtaa in dadka lagu shaqaysanaayay ama dagaal toosa lagula jirey gumeystaha oo dadka masaafurin jirey laakiin marnaba taariikhda laguma hayo dad sidaan loo xasuuqay ayuu raaciyay Cali Calasow.


”Welli indhahayga kama bixin sidii dadku u rafaadsanaayeen iyo oohinta iyo qaylada dhacaysay ayuu tiri hooyo Xaliimo Cabdi oo ka mid ahayd dadkii wax ka galay gurmadka.

Si kastaba ha ahaatee ilaa hadda waxba kama aynaan baran, waxana dhici kara xasuuq sidan oo kale ah iyo kuwo kale oo qorsheysan ayuu yiri Cali Calasow.


Agagixisadu waa qof kula nol kaana soo agtoosaya oo qarsanaya Muslim nacaybkiisa ayuu raaciyay. Sida keliya ee lagu joojin karo ayaa ah in la daba-galo qofkii laga shikiyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.