X

Somalilaan oo weli daawanaysa nin dil foolxun ka gaystey Burco

Maamulka Somalilaan oo isticmaalaya cadaalada gaalada ayaa weli daawanaysa nin isagu cadaystey dilka iyo kufsiga hooyo sadex caruura lahayd. Ninkan ayaa la xaqiijay inuu isku dhiibey booliiska degmada Burco.


Ehelada hooyada caruurteeda la dhaafiyay ayaa iyagu isla markiiba sheegay inay rabaan in sharciga diinta la mariyo oo ay rabaan in hore laga dilo, halka wararka hoose sheegayaan in jufada ninkani isku duubeen.

Ninka u qaabilsan horjooge Muuse Biixi arimaha gudaha oo hadlay ayaa sheegay in sharciga la marinayo dilaaga laakiin uu ka gaabsaday xilliga la fulinayo maadaama wax hadhayba jirin diiniyan.


Dilalka iyo tacadiyaha loo gaysto haweenka ayaa waxa dhiiga kala qaybsada oday jufeedyo, ayadoo inta badan haddii uu jiro dhaawacyo halisa ayna waxba ka soo gaadhin haweenayda naburka qabta.

Kufsiyada ugu xun ayaa daqiiqad kasta ka dhaca reer Galbeedka ama dunida aan Muslimka ahayn weyse qarsoon yihiin, waxase inaga dibeda ama saxaafada soo dhigey ayaa ah waa cudur aad u soo batay ayuu yiri Xuseen Warsame.


Kufsigu waa jirey Somaliya kahor burburka wuxuuse ahaa mid lagu kala guuri jirey ama ninka gaystey nolol ku noolaanayn, hadda taasi ma jirto oo waxaba eeda la saaraa haweenka ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Waa dhaqan gadoonka inagu dhacay oo ay ugu wacan tahay hogaan xumada iyo burburka dalka oo dhan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.