X

Qiimihii doolarka iyo Yuurada reer Yurub waa dhintey: Falaadhimeer BUUTIN

Xilli lacagta Ruushka ee Ruubalka ay kor u kacday kadib markii dawlada Ruushku qaaday talaabooyin muhiima oo ay ku taageerayso lacagteeda oo 40 dawladeed isugu tageen si ay u burburiyaan ayaa aduunka xorta ah iyaguna qaadeen talaabooyin kale.


”Adduunka xorta ayaa hadda bilaabay inay ka wareegaan lacagta doolarka oo awal ku kala iibsan jireen maciishada kala duwan iyo weliba salida iyo gaaska ayuu yiri Xirsi Warfaa.

Wadamada ka wareegay doolarka ayaa waxa mida Turkiga, Hindiya, Shiinaha iyo ilaa 10 wadan oo kale oo iyagu hadda bilaabay inay wax ku kala iibsadaan lacagahooda.


Ruushka ayaa balaayiin doolar oo u taalay Yurub iyo Maraykanka ay ka xadeen hay’adaha Maraykanka iyo Yurub. Waxa qiimo beelay lacagta doolarka waxayse u qabaan Maraykanka iyo kuwa kale inay Ruushka wax u dhimayaan laakiin waxay qiimo tireen lacagtoodii ayuu yiri madaxweyne Buutin.


Saliida iyo gaaska Ruushka

”Waxaan farayaa bangiga dhexe in sida ugu dhaqsaha badan ay u dejiyaan sidii aan gaaskeena iyo saliideena ugu gadan lahayn Ruubal weliba wadamada colaada inoo muujiyay ay u bixin lahaayeen Ruubal ayuu yiri madaxweyne Buutin.



Wax micno ah noo samayn mayso in lacagtoodii ay wax noo gateen hadda ay na dhahaan waan xadnay, anaga wax noo dhimin laakiin waxaan la yaabanahay cida dambe ee aamini doonta doolarka.

Wadamada xorta ah ayaa hadda si keyda u dhigan doona dahab iyo lacagtooda halkii awal ay keydsan jireen doolarka ama Yuurada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.