X

Ruushka oo rakibey gantaalo oohin ka keenay Maraykanka

Gantaalaha Ruushku maanta ku wareejiyay ciidanka xooga dalka ayaa ah kuwo welli dalkale aanu awoodin inuu samaysto oo uu ku Jiro Maraykanka faanka badan ee balaayin doolar kaga baxaan ciidanka sanadkii.


Awooda gantaalahan ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya difaaca gantaalaha ee Maraykanku ku faano inuu haysto. Gantaalaha la dagaalama gantaalada kale ee uu aadka ugu faano ayuu geeyay wadanka Koofurta Kuuriya.


Awooda gantaalkan Ruushku u bixiyay Afangaad ayaa ah inuu ka leexdo wixi ku soo socda intuu dhexda ku sii Jiro taas awood kasta oo hadda uu haysto Maraykanku iyo tan soo socota ka dhigeysa waxba kama jiraan.


”Sida caadiga ah gantaalkla marka gano wado toosa ayuu qaadaa oo ah mida circa sare kadibna hoos uGu soo dega bartilmaameedka iyo mid joog hoose ku socda oo ay adag tahay in raadaaradu qabtaan laakin isna toos u soo socda.

Gantaalkan Afangaad wuxuu kolba u leexanayaa asagoon ka lumeyn bartilmaameedkii hore taas oo ka dhigeysa in lala helo gantaalkale waana ta oohisay Marasykanka.


Ma awoodaan Maraykanku inay ilaa hadda samaystaan waxayna ku qaadanaysaa sanado badan inay helaan hub noocaasa.

Madaxweynaha Ruushka oo hubkan ka hadley sanadkii hore ayaa ka dhigaya Ruushka dal hadda ka horeeya Maraykanka dhinaca sancadda hubka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.