X

Wasaarada duulista oo faahfaahin ma soo saartey xayiraad Kismaayo

Wasaarada duulista iyo hawada ee Somaliya ayaa faahfaahin dheeraada Ka bixisay sida loo maamulo hawada dalka iyo xayiraado lagu xanibayo Kismaayo oo ciidanka Kiiniya Ka taliyaan.


Maareeyaha duulista iyo hawada ayaa beenisay in la hakiyay dhamaan duilimaadyadii tagayay Kismaayo muddo sadex cisho.

Maareeyaha wuxuu  tilmaamay in aysan jirin Warqad rasmi ah oo ka soo baxday dawladda dhexe oo lagu joojiyey diyaaradihii tagi jiray garoonka magaaladaasi.


Axmed Macalin ayaa sidoo kale intaasi ku daray in hadda aysan jirin wax xayiraad ah oo saaran Jubaland, kaliya waxa uu xusay in shirkadaha diyaaradaha la faray in duulimaadkooda Kismaayo ay hay’adda ku soo wargeliyaan 24 saac ka hor.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.