X

Maxay ka dhigan tahay Guriceel oo dib ugu noqotey gacanta Ahlu sunna

Ciidamada dawlada ee ku sugnaa Guriceel ayaa isaga baxay halkaa xilli ay galabnimada maanta ay dib u soo galeen kuwa Ahlu sunna. Wararka ayaa sheegaya in ciidankii Ahlu sunna ee awal ka tirsanaa kuwa dawlada ayaa iskala qaybiyay halka booliiskii dawladu ka bixin degmada.


Dhinaca kale ciidanka dawlada iyo kuwa Ahlu sunna ayaa isku hor fadhiya duleedka Dhuusamareeb halkaas oo laga wado waan-waan, waxayna rabaan inay si nabadda ku galaan Dhuusamareeb halka dawladu rabto inayna la dagaalin wadaadada.

Ahlu sunnna ayaa aaminsan in dhiigmiiratada shabaab ay dib ugu soo noqotey gobolka Galguduud iyo weliba Mudug ayna waajib tahay inay dagaalkaas ku shahiidaan. Waxase Ahlu sunna hoos qabiil ugu taageeraya qabqableyaasha kooxda Xalane.


Lama garan karo sida Ahlu Sunna dawlada dhexe uga qabsan karto maamulka Galmudug oo ay u joogaan ciidamo aad u tababaran oo halmar leefi kara dhalinta Ahlu Sunna.

Dadka badankiisa ayaa qaba in Galmudug maamulka hadda jira aanu jirin mid uga horeeyay, ilaa haddase waxa dawladu ku wadaa waan-waan haddayse socon weydo kama fursanayso inay Ahlu sunna dibedda uga saarto degmooyinka loo ogoaaday inay soo galaan. Ahlu sunna waxa la rabaa in lagu khalkhaliyo doorashada golaha shacabka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.