X

Cabi Axmed oo ka hadlay furitaanka biyo xidheenka webiga Niil

Raiisal wasaare Cabi Axmed ayaa si rasmiya maanta u furry biyo xidheenka webiga Niil ee galbeedka dalkaasi. Biyo xidheenkan oo ah mid aad u weyn ayaa dalku ka heli doonaa koronto jaban iyo waraab dhinaca beeraha ah iyo weliba biyo saafiya oo la cabo.


“Waa guul u soo hoyatey qaarada aan ku nool nahay iyo wadamada uu gaarayo qulqulka biyaha webiga Niil ayuu yidhi Cabi Axmed. Hadda ma jirto Cid na joojin karta ayuu raaciyay Cabi Axmed


Biyo xidheenkan oo ku yaala meel u dhow xadka Suudaan gaar ahaan gobolka Muslimiinta ee Bishingul ayaa la saaray HAL mishiib si koronto looga dhaliyay, waxayna sheegtay Itoobiya in laba sanno kadib la wada daari doono mishiinada kale si looga dhaliyo koronto nadiifa



Itoobiya ayaa sheegtay in biyo xidheenkan aanu waxba u dhimeyn qulqulka biyaha Ku socda Suudaan iyo Masar oo welli aan la gaarin heshiis dhaba

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.