X

Shirkado hore heshiis ula galay dawlada Somaliya oo qayb ka ah baarista shidaalka

Dawlada Somaliya ayaa bishan afarteedii bilowday ruqsad siinta shirkadaha shidaal baarista badda Somaliya ee inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Butlaan. Deegaankaas badda teedsan ayaa la aaminsan yahay inuu shidaal iyo gaas ka buuxaan.


ā€¯Waxaan bishan afarteeda bilownay ruqsad siinta shirkadaha danaynaya inay maal gashadaan xidhmooyin ku yaala Koofurta dalka. Shirkadaha Shell iyo Exon oo ay kala leeyihiin Faransiiska iyo Maraykanka ayaa iyagu leh xuquuq gaara ayuu yiri Ibrahim Cali Xuseen oo dhawaan loo magacaabay jagada shidaalka.

Waxa rabnaa in heshiiskii hore ee sahaminta loo bedelo mid soo saarid oo aan saxiixno heshiis noocaasa ayuu raaciyay. Maadaama cudurka Kooro jiro waxaa dib u dhacay wadahadaladaas oo dhan.


Si kastaba ha ahaatee ma shaacin shirkadaha kale ee iyagu danaynaya shidaal soo saarista dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.