Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Maxay Somalida uga ka dhigan tahay kursiga uga yimi xisbiga Barwaaqo ee Itoobiya

Xisbiga Barwaaqo ee uu hogaamiyo Cabi Axmed ayaa qabsaday kalfadhigiisii ugu horeeyay waxana madaxweyne loo doortey Cabi Axmed halka madaxweyne ku xigeeno loo kala doortey raiisal wasaare ku xigeenka hadda oo ka soo jeeda Axmaarada iyo Aadan Faarax oo isn aka soo jeeda qowmiyada Somalida.



”Waa markii ugu horeysay ee Somalida lagu gumeysto Itoobiya ay heshay boos sidaa u sareeya, waxana isbedelkaa ugu wacan raiisal wasaare Cabi Axmed ayuu yiri Xirsi Warfaa. Doorashada Aadan Faarax waxay ka dhigan tahay isbedel dhaba.



Waxase su’aasha ugu weyn ka taagan tahay muxuu ka dhigan yahay isbedelkan aan hore loo arag. Waa marka horee waxa Somalidu heshay mansab ka maqnaa oo ay ku shaqaysan jireen Tigreega ama Axmaarada, lagana yaabe inuu faaiido u yahay keliya qofka ku fadhiya.

Waa tan labaade kama dhigna in wax weyn u kordhayaan Somalida aan ka ahayn in ay boos weyn ka heleen dawlada dhexe laakiin ay ka maqan yihiin wasiirada badankooda.



Tan ugu weyn ayaa ahaa sidee looga faaiideysan karaa gaar ahaan markay noqotey kheyraadka yaala gobolka Somalida, mala soo dhicin karaa, isbedel dhaba maku imaan karaa maamulka Jigjiga ee fashilmay.




”Waa suaalaha ilaa hadda aan laga jawaabin karin waxayse ku xidhan tahay kartida Aadan Faarax la yimaado ayuu raaciyay Xirsi Warfaa. Somalidu waxay u dhimanaysaa karti xumo ayan u horeeyaan Mustafe Cagjar iyo kooxdiisa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...