X

Maxay tahay sababta Ingiriisku Woqooyi lacag u geeyo Baydhabana askar

Hadaad Ingiriiska weydiiso maxaad u joojiseen taageeradii aad awal maamulka Somalilaan ictiraaf ugu raadin jirteen, waxay kaaga jawaabayaan taas waan xalinay waxaanan u wareejinay waxaan u bixinay shirkii 2009 sheekada ”Somalilaan iyo Somaliya” oo hadda hirgashay ayuu yiri xildhibaan Ingiriisa oo aad u taabacsan in Woqooyiga la gooyo.


”Magacaas waan ku guulaysanay ayuu yiri waayo hadda warbaahinta adduunka iyo tan Somalidaba waxay nala qaateen magacaas oo ka dhigan inaan kor u qaadnay sheekada Somalilaan ayuu raaciyay xildhibaankan qariyay magaciisa.

Niyada goosadka dadka Hargeysa iyo Burco

”Waan ognahay in hadda aan sidii hore loogu dhiiranayn sheekada goosadka waxayna ka istaagtey dhinaca qurbaha, taas bedelkeed waxaan hadda xooga saarnay dhinaca horumarinta si aan u fushano danaha aan ka leenahay geeska Afrika maamulka Somalilaana isku dhiibin.


”Ingiriisku hub iyo askar ayuu geeyaa Baydhaba ama Koofurta dalka halka Hargeysa dusheedana uu ka dhisayo wado laamiya oo uu ku faanay inay ka bixiyeen 17 milyan oo doolarka Maraykanka. ”Waa sida aan la rabno Somalilaan waayo anagaa gumeysan jirnay haduu dhaqaaluhu u dhismana uma baahna Koofur ayuu yiri xildhibaankan Ingiriisku.

”Waxaan hadda la shaqaynaa shirkada Imaaraadka ee DPWORLD oo aan markii horeba anagu keenay ayuu qirtey. Ingiriiska ayaa hore ugu fashilmay sanado kahor inuu Afrikaanka ka dhaadhiciyo inay aqoonsadaan xataa isagoo lacago dheeraada ku bixiyay.



Baydhabo waxba nagama yaalaan laakiin ma rabno in dawlada Muqdisho fadhidaa qalad naga fahanto. Ingiriiska ayaa sanduuq gaara u sameeyay maamulka uu u bixiyay sanduuqa horumarinta Somalilaan. Inkastoo magaca Somalilaan lagu soo qaado haddana waxba kama soo gaaraan Hargeysa dusheeda.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.