X

Maxay tahay siyaasada Ismaaciil Cumar Geelle ee ku gobolka Awdal

Waxa mar dhow la dhameeyay doorashadi qabaliga ahayd ee ka dhacday maamulka Muuse Shaani halkaas oo tartanku ahaa sida loo kala badan yahay ee ayna haba yaraatee jirin wax siyaasada.


Haddaba doorasho noocaasa waxaad is weydiin kartaa maxaa xiiqiyay fadhiid Ismaacil Cumar Geelle oo Jabuuti ka dhigey meel jilibkiisa hayo jago kasta oo ilo dhaqaale leh. Wuxuu si weyn ugu fashilmey oo jaahilnimo ka tahay inuu xataa masaakiinta garan waayay inaanu ka iibin sariiraha dhaqtarka.

Qofka hadla Jabuuti ayaa muddo la raadiyaa waxana dadku yiraahaan hadaad hadasho korontadaa lagaa jari ayadoo aan ognahay in Jabuuti tahay meel aad u kulul oo weliba kaneeco badan. Kaneecada iyo nadaafad xumada ayaa u dheer dhibka dadka reer Jabuuti qabaan.


Ismaaciil Cumar Geelle waxaa barlamaanka Somaliya laga siiyay 16 kursi oo xaaraana oo Samaroon xaq u lahaa markii uu martigeliyay shirkii Somalida sanadii 2000. Intaas wixii ka dambeeyay wuxuu ku dadaalayay sidii uu ku muujin lahaa in degmada Saylac iyagu leeyihiin ugu yaraana ku muujiyo kuraasta doorashada.


Doorashadii hore kuma guulaysan waayo Siilaanyo waa ka diiday in la soo daadgureeyo Ciisaha Itoobiya iyo Jabuuti si ay aqlabiyay u helaan. Waxase doorkan ay isku shubteen Muuse Biixi (Shaani), waxayna si cad dadka u keenayeen  xeebaha gobolka Awdal.

Xataa waxa gawaarida looga soo guraayay bartamaha Jabuuti maalin cad. Wuxuuse garan waayay cida uu khiyaamayo iyo cida khiyaamadaa uu ula tagayo.


Waxayse tani cashar u tahay Samaroonka Boorama iskaga soo sharaxay labaataneeyaha ayadoo Saylac loo dhaafay dadkii deganaa oo lagu soo labanlaabmey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.