X

Qaramada midoobay oo ka doodaysa markab ku daxalaysanaya afaafka Jabuuti

Khuburo ka socda qaramada midoobay ayaa maanta ka doodaya sidii loo dayactiri lahaa markab saliid ka buuxdo oo yaala afaafka hore ee badda yar ee u dhaxaysa Yaman iyo Jabuuti gaar ahaan dekeda Xudeyda.


Markabkan ayaa sida kimio kale oo khatar ku ah oo haddii aan la fiirin u dhow inuu qarxo ama ay ku dhacaan wax kale ayuu yiri nin u dooda deegaanka.

Maekabkan ayaa yaalay badda ilaa sanadii 2015 waxana la baqayaa inuu badda ku qabo saliid aan la qiyaasi karin oo wax weyn u dhimi karta deegaanka iyo waxa ku nool badda.


Qaramada midoobay ayaa qabta in markabka loo ogolaado inay si hufan u baadhaan kadibna go’aan ka gaaraan wixii laga qaban karo.

Dawlada Yaman ee ay hogaamiyaan Xuutiyiinta ayaa iyaguna dalbaday in markabka la baaro amnigiisa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.