Saturday, April 20th, 2024
header










Meta







Maxay yihiin guulaha waaweyn ee aan xusi karno mudadii gaabneyd ee madaxweyne Farmaajo

Waxa madaxweyne Farmaajo la doortey afar sano kahor xilli dalku ku jirey dhaqaale xumo baahsan iyo hanaanka maamulka oo daaqada ka baxay. Waxa lacagta dalka lagu qaadi kirey jawaano waxaana jirey musuqa ugu xun.

Waxa dalku ku socday sida ay jeclaayeen kooxda sheegata beesha caalamka ee ah musuq iyo karti daro. Xasan Cali Kheyre markii la magacaabay wuxuu sheegay in lagu wareejay qasnad madhan oo faaruqa, taas oo muujinaysa heerka musuq ee dalku ku jirey.



Madaxweyne Farmaajo oo lagu doortey tigidh laaluush yaraan iyo hanaan isla xisaabtan, waxaan qormadan ku soo qaadanayaa waxa u qabsoomay mudadaa yar.

Ciidanka xooga dalka

Waxa mudadii uu joogey xukunka uu ku guulaystey dib u soo nooleynta ciidanka qaranka oo kooxda sheegata beesha caalamka ay qaramada midoobey u fadhiyaan in lagu hayo cunaqabataynta. Waxa hadda ciidanku joogaa heer uu isku filan yahay inuu la dagaalamo dhiigmiiratada shabaab, waxa taas kuu cad guulihii u dambeeyay ee ciidanku gaaray.



Haddii uu xukunka sii hayana Somaliya waxay isku taagi doonaa lugaheeda, ciidanka xooga dalkuna waa dhismi inkastoo loo fadhiyo qaramada midoobey oo aan la rabin in cunaqataynta hubka laga qaado inkastoo dalku is hubeyn karo.

Waxa ciidanku qaataa mishaharo joogta ah oo ku dhacda keydkooda halka awal ay mishahar qaadan jireen 9000 oo qof oo qaarkood dibedda joogaan qornaana inay ciidanka ka tirsan yihiin.

Dhaqaalaha dalka

Waxa la helay kobac dhaqaale oo weyn waxayna gaaladu qirteen in la helay hanaan dhaqaale oo lagu faani karo iyo deyn cafin aan laga leexan karin. Dhaqaalaha dalka ayaa ahaa 168 milyan sanadkii markii Farmaajo yimi haddana wuxuu marayaa ku dhawaad 500 oo milyan. Waxana kalsooni muujisay kooxda beesha caalamka iyo hay’adaha wax amaahiya ee dhiigmiiratada ah.



Waxa horumar laga gaaray wax soo saarka beeraha inkastoo ayna jirin miisaaniyad ku filan oo dalka lagu gaarsiiyo heer uu quudin karo dadkiisa, waxana ka soo dhexgalay mudooyinkii u dambeeyay hargabka Karoona.

Haykalka dhismaha dalka

Waxa lagu guulaystey in dib u dhis balaaran lagu sameeyo wadada Muqdisho-Jawhar oo fududeyn doonta kobaca dhaqaalaha ayadoo beeralaydu si degdega wax soo saarkooda ku keeni karaan magaalada ugu weryn dalka ee Muqdisho iyo kuwa kalaba. Jidkan ayaa la gaarsiin doonaa dalkoo dhan.



Xadka Somaliya iyo Kiiniya

Waxa uu ku guulaystey in ciidanka Kiiniya laga saaro gobolka Gedo taas oo dadka degan siisay deganaansho halka awal ay ku qabeen kufsi iyo dil joogta ah, waxayse Kiiniya isku daydey inay soo hubeyso maleeshiyo qaawan, waxana ciidanku ku guulaystey inuu wada qabto.



Inkastoo wax badan la qabtey haddana mudada uu haystey iyo kala hormarinta hawlaha jira waxa la oran karaa waa hogaankii ugu fiicnaa ee dalka soo mara muddo dheer.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...