22/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maxkamad dil ku xukuntey shan dhalinyaro oo kufsi-wadareed ka gaystey Gaalkacayo

Maxkamaf ku taal magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntey shan dhalinyaro oo kufsi-wadareed u gaystey gabadh uguna gaystey Gaalkacayo. Kiiskan ayaan la xiriirin kiiska aadka looga naxay ee gabadha 12 jirka ah.



Mar wax laga weydiiyay halka uu marayo kiiska gabadha 12-jirka ah ayaa xaakimku sheegay in baaristiisa welli socoto.

Waxa soo baxaya wararka sheegaya in ragga diley, kufsadey ee jirkeeda jarjaray ay yihiin isla qaraabada gabadha yar taas oo naxdin gaara leh.



Shantan dhalinyaro oo magacdooda la soo bandhigey ayaa kufsi-wadareedkan ku la kacay gabadha bishii hore 22-keedii oo aan ka fogeyn isla maalmaha la diley Caasha Aadan Ilyaas.

Dhalinyarada ku kacay falkan khatarta ah ayaa magacdoodu kala yihiin sidan hoos ku qoran.



Cismaan Maxamed Cabdullaahi

Yuusuf Cabdullaahi Xirsi

C/risaaq Cali Cabdi

C/risaaq Maxamed Cilmi

Ugaas Mire Barre

Afarta hore waa 18 jir halka kan ugu dambeeya uu yahay 19 waana da’da caqligoodu ku filneyn.

Waxa laga warsugaa in xukunkan la fuliyo taas oo ah tan ugu muhiimsan, ayadoo lagu yaqaan maamul goboleedyada oo qabiilku ku xoogan yahay inayna fulin karin xukunada noocana.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS