19/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maxkamad Hargeysa ku taal oo diidey dacwad xisbiga Wadani gudbiyay

Maxkamada sare ee Somaliland ayaa go,aan rasmi ah ka soo saartay Dacwadii uu dhawaan u gudbiyey xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani taasi oo ka dhan ahayd go,aankii madaxwaynaha Somaliland ku kala qaaday labada Doorasho ee Golaha wakiilada iyo Madaxtooyada.

Maxkamada sare ee Somaliland waxay go,aankeeda ku ayiday isla markaana ku raacday go,aankii madaxwaynaha Somaliland ku kala qaaday labada doorasho taasi oo mudo dib loogu dhigay doorashadii golaha wakiilada Somaliland oo qorshuhu ahaa in labada doorasho la wada qabto horaanta Sanadka.

Go,aanka haatan ka soo baxay maxkamada sare Somaliland ayaa meesha ka saaraya dacwadii uu xisbiga Waddani ku diidanaa in labada doorasho la kala qaado,taasi oo ay dhanka kale beesha caalamku ka soo hor jeedsatay,

Sadexda xisbi ee Somaliland oo ka hadlay ka dib go,aankaasi maxkamada sare ee kala qaadista labada doorasho waxay sheegeen in ay ogol yihiin,iyada oo xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo arintani diidanaa oo sheegay in uu ogol yahay go,aanka maxkamada balse waxa uu golaha guurtida ugu baaqay xisbiga Waddani in aanay soo faro galin doorashooyinka Madaxtooyada oo la filaayo in ay dhacdo sanadka 2017 horaantiisa.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa haatan waxa laga dhursugayaa mudada rasmiga ah ee ay qalinka ugu duugaan mudo kordhinta loo samaynaayo Golaha Wakiilada Somaliland kuwasi oo sharciyan iska leh mudo kordhinta loo samAynaayo golayaasha qaranka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS