X

Maxkamad ku taal Butlaan oo rag kufsi gaystey xukun ku ridey

Maxkamad ku taal Garoowe ayaa shan sano oo xadhiga iyo kun ganaaxa ku ridey nin lagu helay kufsi oo dacwadiisu socotey baryahan haddase la soo gabagabeeyay.


Xeer-ilaaliye kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegey in muddo usbuuca dib loo dhigey kiiska Hodan oo ahayd gabadh sannadkii hore laysugu daray dil iyo kufsi degmada Garoowe.


Maxkamada oo saaka la horkeenay 18 eedaysane oo ku eedaysan kiisas kala duwan ayaysan kasoo muuqan garyaqaano difaacaya eedaysanayaashaasi.

Waxa kale oo la xukumay laba kale oo qirtey inay galeen moobil furasho iyo dhaawac ayaa iyagana lagu xukumay kun ganaaxa iyo xadhig.


Waxa u dambeeyay kiixkii Caasha Ilyaas oo ku dhamaadey cadaalad.

C/llaahi Warmoogwe

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.