Washington–Maxkamada sare ee dalkaasi Maraykanka ayaa diiday racfaan uu qaatay jeneral Maxamed Cali Samatar oo ahaa madaxweyne ku xigeen ahna wasiirkii difaaca ee dawladii Somalia intii ay burburin reer Galbeedka oo taagero siiyay kooxihii qabiliga ahaa ee ay ka mid ahayd SNM.
Maxkamada sare ee Maraykanka ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku hayso siyaasada gudaha ee Somaliya iyadoo dacwad ka dhegeysatay kooxihii qabiilka ku dhisnaa ee ay ugu weynayd SNM oo taageero ka helaysay reer Galbeedka iyo wadamada jaarka.
SNM ayaa dooratay jeneraal Samatar waayo qabiilka uu ka soo jeedo oo ay u arkaan in ay yihiin dad aan ciidan lahayn.
Maxkamada ayaa hore u sheegtay in Samatar bixiyo 21 milyan oo doolar uuna siiyo SNM-ta soo dacweysay taas oo dad badan la yaabeen.
Wali wax jawaaba kama soo bixin qoyska Cali Samatar oo gabadhiisu tahay wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay