X

Maxkamada sare ee Kiiniya oo xalisay muran u dhexeeyay xildhibaano Somali ah: SAWIRO

Maxkamada sare ee Kiiniya ayaa xalisay muran u dhexeeyay xildhibaano Somali ah. Maxkamadda oo saaka u fariisatay go’aan ka gaarista eedo uu soo gudbiyay Faarax Macalin oo ka dhana Aadan Barre Ducaale.



Eedaha Faarax Macalin ayaa ku saabsanaa kursiga uu ku fadhiyo Aadan Barre Ducaale. Maxkamasda ayaa kursigaas u xalaalaysay Aadan Barre Ducaale.



“Waxaan u hambalyeynayaa Garsoorayaasha i difaacayay,waxaana sidoo kale u mahad celinayaa dadka Gaarisa oo doortay qofkii ay rabeen,waxaan qirayaa in eedihii la igu soo oogay ay ahaayeen kuwo aan caddeyn heysan.” Ayuu yiri Aadan Barre Ducaale

Doorashadii dhacday 8 August 2017-kii ayuu ku guuleystay Aadan Barre oo hadda ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kiiniya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.