X

Meydka argagixisada oo daadsan garoonkii hore ee ciidanka cirka

Argagixisada shabaab ayaa meyd badan uga badan uga tagey garoonkii hore ee ciidanka cirka ee Balidoogle oo Muqdisho u jira ilaa 100km. Garoonkan ayaa waxa hadda isticmaala ciidamada Maraykanka kuna tababara ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dabar gooyey argagixisada.


Sida caadiga ah weerarka dhiigmiiratada gacantooda ay ku baxeen kumanaan Somali ayaa ku bilowdey 4 gaari ay isku dayeen inay albaabka weyn ee laga soo galo garoonka ku qarxiyaan.

Kadibna sida la sheegay isla koox iyaga ka mida oo hore u sii joogey ay isku dayeen inay xerada soo galaan halkaas oo ay kala kulmeen waxayna filanayn. Hal kama bixin ayuu yiri taliye u hadley ciidanka asagoo qayb dadka ka tusey meydkooda.


Waxa jira dhaawac ciidanka Somalida ka soo gaaray qaraxa hore iyo rasaasta la is weydaarsaday. Waxaad arkeysaa meydka dhalinyar caruura oo daadsan meesha oo loo soo geliyay dharka ciidanka.

Sawirka hoose Balidoogle xilligan

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.