X

Milatariga Somaliya oo soo faqay miino argagixisadu aastey: SAWIRO

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa  hawlgal miino baaris oo ay ka fuliyeen wadada isku xirta Degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire ee gobolka Shabellada hoose soo faqay miinooyin xoogleh.


Argagixisada ayaa fuleynimo awgeed miino ugu aasta wadada dadku marayaan ama hareeraheeda. Ciidanka miino baarista wadey oo feejigan ayaa so faqay dhiowr miino oo is dabayaala.

Dhiigmiiratada Wahaabiyada ayaa ku badan dhulka baadiyaha ah kuna nool baada ay ka qaado dadka xoolo dhaqatada ah iyo masaakiinta beeralayda.


Waxa la soo qabtey dhalinyar taagnaa meel aan ka fogeyn goobta miinada laga soo saaray oo u muuqdey inay badhanka taabtaan marka gawaadhi dulmarto.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.