X

Meydka gabdho dhalinyaro Somali ah oo laga helay Miniyaabolis

Meydka gabdho dhalinyaro Somali ah ayaa laga helay magaalada Miniyaabolis ee dalkaasi Maraykanka. Somalida halkaas degan ayaa aad uga xumaadey geerida gabdhahan dhalinyarada.


Waxayna codsadeen in la baaro. Gabdhaha geeriyooday oo isku qoys ahaa ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Saynab Cusmaan Cabdalla iyo Bushra Maxamuud Cabdi.

Waxa la cadeeyay in gaari ay wateen uu ku dhacay haro ku taal duleedka magaalada laakiin ayna helin gurmadka deg dega ah ee ay u baahnaayeen.


Baaritaano dheer iyo hawlgal ay sameeyeen ciidamada booliska ayaa waxa ay ku guuleysteen inay soo saaraan meydadka labada gabdhood oo 19 sano jir ahaa iyo gaarigii ay wateen.

Xamsa Warfaa oo ka mid ah qoyska gabdhaha geeriyooday ayaa sheegay in gabdhahan ay ahaayeen kuwa ka qalin jabiyay dugsiga sare isla markaana shaqaysta.

Waxa socda baaritaanka waxa sababay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.