X

Mid ka mida ragii kufsaday Caasha Ilyaas oo la sii daayay

Mid Ka mida raggii kufsaday Caasha Ilyaas ayaa la sii daayay. Ninkan ayaa lagu magacaabaa C/salaan C/raxmaan Warsame oo isaga walaalkii sida ay sheeganayaan maamulka Butlaan Ka mid ahaa raggii loo toogtey kufsiga iyo jarjarida Caasha Ilyaas.


Qoyska aabo Ilyaas iyo qoyska kale ayaa ku heshiiyay in mag la kala qaato. Magtaas oo lagu sheegay inay tahay guud ahaan $25,000 kun oo doolar ama 25 need oo geella.

Waxa la sheegay in qoysku bixiyeen qaar ka mida lacagta inta kalana lagu amrey inay si degdega u bixiyaan. Waana sababta keentay in laga reebo ragga kale ee la diley.


Waxa jira warar xoogan oo sheegaya in aan la dilin raggii ay maamulka Bultaan sheegteen in la diley maadaama aan haba yaraatee la keenin wax cadayna.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.