X

Turkiga oo lix wadan oo kale u fasaxay dal-kugal bilaasha

Turkiga ayaa sheegay in ilaa lix wadan oo kale ay dalkooda ku soo geli doonaan bilaa dal-kugal bisha soo socota. Lixdan wadan ayaa u badan wadamada Yurubta galbeed iyo Bari oo aan u baahan doonin dal-kugal.


Dalalkan ayaa kala ah Ingiriiska, Holan, Bolan, Isbayn, Ostariya, iyo Beljim. Turkiga ayaa sheegay in tani ay kor u qaadayso dalxiiska.


Wadamadan ayaa ka mida kuwa ugu badan ee dalxiiseyaasha ay uga yomaadaan dalkaasi. Turkiga ayaa dal-kugal bilaasha ay ku yomaadaan wadamo kor u dhaafaya 80.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.