X

Midowga Yurub oo ka mida kuwa xaalufiyay badeena oo hambo yar dib u soo celiyay

Maraakiibta midowga Yurub ayaa ka mida kuwa xaalufiyay badeena oo ka sameeyay malaayiin doolar ayaa hambo yar dib ugu soo celiyay kaluumaysatada xeebaha Butlaan iyo Galmudug. Midowga Yurub ayaa hambada ay soo celiyeen waxa ku jira qaboojiyeyaal ay aad ugu baahan yihiin kaluumaysatada.


”Waxa naloo keenay gawaadhida qaboojiyaha ku rakiban yahay oo dhowra haddana waxaan uga faaiideysanaa inaan kaluun badan ku qaboojino inkastoo kaluunka la xaalufiyay ayuu yiri Cabdilahi Bidhaan.

Badda Somaliya oo ay ku jiraan kheyraad ay ka dhergi karaan ummada Somaliyeed ayan la taaban muddo aad u dheer, waxana kheyraadkaas jaqa indhayarta, Hinduda, Iiraaniyiinta iyo kuwa ugu badan oo ah midowga Yurub.


Dawlada sii dhacaysa ayaa mar dambe ku baraarugtey inay adkeyso amniga badda ayadoo xiriir aan la ogeyn la samaysatey Turkiga.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.