X

Miisaaniyada dawladu wax ku kala wadayso sanadka 2019 oo la shaaciyay

Miisaaniyada dawladu wax ku kala wadayso sanadka 2019 ayaa la shaaciyay. Shir ay isugu yimaadeen golaha wasiirada ayay ku ansixiyeen miisaaniyad ka badan kuwii maamuladii ka horeeyay laakiin welli lagu qoslo.


Shirkadaha ugu taagta daran reer galbeedka iyo Jabaan ayaa ka lacag badan miisaaniyada dawladii dhanayd ee qaranka Somaliyeed waana arin Somalida u taal sidii ay dalkooda u xoojin lahaayeen ayu yiri xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.


Miisaaniyada sanadka 2019 waxay noqonaysaa 189 milyan oo gudaha ka imaanaya halka 124 milyan la filayo inay ka timaado saaxiibadaha Somaliya, guud ahaan waa 340 milyan, waxana lagu ansixiyay si aqlabiyada ayuu yiri wasiirka maaliyada Dr C/raxmaan Bayle.

Miisaaniyada dawladu ku shaqayso ayaa inta badan ka timaada Muqdisho iyo hareeraheeda halka maamul jufeedyada ay ku fadhiyaan hantida qaranka inteeda kale una isticmaalaan danaha shaqsiyeed.


Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa miisaaniyadda ay maanta ansixisay waxa ay u gudbinaysaa golaha sharci dejinta dalka si ay u meel mariyaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.