Milatariga Itoobiya ayaa sheegay inay hadda si buuxda gacanta ugu dhigeen wadada toos u tagta caasimada Tigreega ee Maqale. ” Waxaan hadda gacanta ku dhigney ilaa 8 magaalo oo teedsan wadada toos u tagta Maqale ayaa lagu yiri warbixintii ugu dambeysay.
”Wadada oo isku xidha Woldia iyo Maqale ayaa gebi ahaanb la xoreeyay iyo weliba buuraha ay ku carareen maleeshiyada TPLF oo hadda caga cadaana ayuu algu yiri warbixin.
Dagaalka ayaa waxa si toosa u kor jooga raiisal wasaare Cabi Axmed. ”Mar haddii gacanta lagu dhigey wadada magaalooyinka ku yaal iyo buuraha waxa aad u yaraanaysa awooda maleeshiyada TPLF ay weerar ku soo qaadi karaan ama ku qabsan karaan magaalo ayuu yiri Xirsi Warfaa.
”Maleeshiyada dagaalamaya ayaa dhamaantood cagacad hubka ugu weyn ee ay wataan ayaa ah qoriga AK47 ayuu raaciyay. Ma dheera in dhawaan la qabsado Maqale.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS