Milatariga Itoobiya ayaa gudaha u galay gobolka Tigreega ee uu dabada ku wato Maraykanku qabsadayna sadex magaalo oo waaeyn oo madaarleh. Magaalooyinka Shire. Alamata iyo Koram ayaa gacanta u galay ciidanka. Milatariga ayaa wacad ku maray inay qabsanayaan magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka ee leh madaarka
Waxa la aaminsan yahay in magaalooyinka madaaradu ku yaalaan ee Tigreega oo aad u farabadan maadaama ay dalka xukumaayeen muddo dheer in Maraykanku uga soo dejiyo saanado iyo lacag.
Waxaan ku soconaa magaalada taariikhiga ee Agsam ee asxaabuhu ku aasan yihiin iyo kuwa u dhow halkaas oo aan toos u qabsan doono wadada laamiga ah ee aada Maqale ayuu yiri afhayeen u hadlay milatariga Itoobiya.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS