X

Yugaandha oo hoosta kala dagaalamaysa midnimada dalka

Yugaandha oo ku naaxdey dagaalka argagixisada ee Koofurta dalka ayaa hoosta uga xadhko xidhatey inay ka shaqayso sidii dalku weligii ugu Jiri lahaa gacanta kaabo qabiilada midkasta la baxay magac.


Waxay marti qaadeen wefti ka socda maamulka Somaliland oo iyagu ka soo noqdey maanta halkaas. Waxay sheegeen in sida Falastiin goobjoog ahaan u yimaadeen shirka barlamaanada hoostaga ururka barwaaqo sooranka ee Ingiriisku leeyahay mase shegin in Ingiriisku ku cadaadiyay Yugaandha inay sidaas samayso.


Gudoomiye xigeenka golaha wakiilada maamulka Somaliland Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle oo la hadlaayay saxaafada ayaa sheegay in la siiyay maqaam daawasho kuna faraxsan yahay sidey wax u dhaceen.

Wuxuu kaloo sheegay inuu la kulmey xubno ka tirsan afhayeenada dalal Afrikaana.


Yugaandha oo lagu tiriyo dalalka aan looga shakiyin la dagaalanka dawlad adag oo ka dhalata dalka ayaa hoosta ka wada in dalku qaskaa ku jiro.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.