X

Mucaaradka Itoobiya oo war ka soo saaray xasuuqii Hawadaay: mag hala bixiyo

Mucaaradka Itoobiya ayaa war ka soo saaray xasuuqii Hawadaay ee lagu diley Somali aad u farabadan oo waxba galabsan. Labada xisbi Mucaarad ee Itoobiya oo ka hadlay caasimada dalka ee Addis ababa ayaa qodobo ka soo saaray sidey u arkaan in lagu xaliyo arintan.

Waxay sheegeen in MAG la siiyo qoysaska dadkii lagu xasuuqey Hawadaay, waxay sidoo kale sheegeen in laga yeesho wadahadal deg dega.



Medrek oo ah afhayeenka labada xisbi mucaarad ayaa dawlada ku eedeeyay in siyaasada gobolka ay ka wado ay sal u tahay isku dhaca jira si fiicana aan loo odorosin.



Waxay kaloo dalbadeen in si saxa loo aado arinta MAGNA la siiyo dadkii la xasuuqey qoysaskooda iyo kuwa dhaawaca ahba, dhinac kalana si deg dega sharciga loo horkeeno dadkii gaystey falkii argagaxa ahaa.

Waxay intaa ku si dareen in la abuuro hay’ad madax banaan oo si saxa u soo baadha xasuuqaas, waxayna ugu baaqeen laba hogaamiye ee ismaamulada Somalida iyo kuwa Oromada in ay sameeyaan kulano u dhexeeya laba dhinac halkii ay siyaasad ku sii hurin lahaayeen.



Labadan xisbi mucaarad ee AEUP iyo Blue ayaa ka codsadey Qaramada Midoobey iyo hay’adaha gargaarka iney caawimo u gaysteen dadkii waxyeeladu soo gaartey.

Dawlada Itoobiya ayaa dhinaceeda sheegtay in ay ku dabajirto dadkii falkan gaystey, sheegtayna in ay ciidan gaysey goobahaas iyo kuwa la midka ah.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.