Sunday, May 19th, 2024
header










Meta







Muddo korodhsi ka socota Muqdisho iyo Raiisal wasaaraha oo cadeeyay

Ra’iisulwasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’ake oo shalay ka qaybaglay Barnaamijka Kulanka Todobaadka ee Radio Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay kawada hadleen in 2 bilood lagu kordhiyo wakhtigii doorashada ay dhici lahayd taas oo ku aadan 12 September 2016.

Waxaa uu sheegay Ra’iisulwasaraaha Soomaaliya in wax dhibaato ah aysan keenayn mudo kordhintaas ay smaaynayaan doorashada ay u dhacayso habkii loogu talo galay.

“Waxaa rajeyneynaa hadii Baarlamaanka arrintaas si dhaqse ah ku guda galo doorashada waqtigeeda waa ku dadaaleynaa inaan isla waqtiga ku saleyno, hadii ay dhacdo ayadoo la shaqeynayo farsamo ahaan wax yar ku darsoomaan muhiim waxaa ah inaan waqti iska qaadin, waa jirtaa anaga iyo Guddoonka inaan ka wada hadalnay in labo bil la siiyo Xildhibaanada si ay olole u sameeyaan, qadarin weyn ayaa siineynaa hadii dib u dhacno wax badan dib uma dhici doono 2016 gudaheed ayay doorashada ku dhaceysaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Arrimaha soo xulista Baarlamaanka Aqalka Sare iyo kan hoose ayuu sheegay in ay ku rajo wayn yihiin in si xalaal ah oo musuq maasuq la’aan ah ay ku dhacdo soo xulistaas.

Qorshaha Cusub ee Ra’iisulwasaraaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku kawada hadleen ayaa ka dhigaya in doorashada dalka ay qabsoonto December, iyadoona aan la ogayan in arrinkaas ay aqbali doonaan Maamul Goboleedyada oo Muqdisho ku saxiixay inaan wax mudo kordhin ah loo samaynayn Hay’adaha Dwladda Soomaaliya.

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uu hortago Baarlamaanka Soomaaliya oo leh kulan, waxaana uu soo bandhigayaa habka doorasho ee dalka kaas oo nuqulo ka mid ah la gaarsiiyay hay’adaha Dastuuriga ee xaqa u leh.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...