X

Munaafaqada kooxda Xalane oo sii korodhay: WARBIXIN

Waxa 6-dii bilood ee u dambaysay sii korodhey munaafaqada kooxda Xalane ay ka wado Koofurta Somaliya. ”Ilaa iyo intii ay hor istaageen in dalku galo doorasho loo dhan yahay waxa kooxdu kordhiyeen maaliyada ay ku bixiyaan qaska dalka ayagoo adeegsanaya horgale ayay sheegaysaa xogta aanu helnay.


”Xogtu waxay sheegaysaa in horgalada Muqdisho jooga lagu kharashgareeyay laba milyan si ay u kiciyaan qabyaalada oo ay dareensan yihiin inay tahay sida keliya ee ay ku fushan karaan hawlahooda.

”Lacagta badankeeda ayaa ku dhacda jeebka hojoogeyaal la yaqaano oo qayb ka ahaa qayaaladeynta ciidanka ayuu yiri Cali Calasow oo soo akhriyay xogtan. Lacagaha badankooda ayaa loogu shubaa bangiyo ku yaala Kiiniya halka qaarna jawaano loogu qaado.


Waxaan shaki ku jirin in kooxda Xalane ay tahay musuqa ugu weyn ee dalka ka jira, warbixinada ay gudbiyaan maalin walba ayaa waxa ku qoran in madaxweynaha soo noqonayo haddaan intaas oo lacag la soo shubin ayay qortey xogtu.


”Naagtan Ingiriiska u fadhida Muqdisho waa tan ugu weyn ee aabaha musuqa kama dhamaato la kulanka gunti giijiye Rooble iyo inta kale ee ay biilaan, waxay hormood ka hahayd kulamkii Uhuru iyo Rooble ee London ayadoo kulankaas u u ahaa muhiim gaara waayo waxay filaysay inuu dacwada soo celiyo, ma aragteen ayadoo madaxweynaha la kulmaysa.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.