Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Muqdisho oo si weyn looga dabaaldegay maalinta weyn ee 26 Juun : DAAWO+SAWIRO

Muqdisho ayaa si weyn looga dabaaldegay maalinta weyn ee 26 Juun. Munaasabad lagu xusayay 56 guurada ka soo wareegatay markii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed ayaa xalay ka dhacday Muqdisho.

26 Juun ayaa maalintii gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska oo rabey in uu abuuro laba dal ayaa taasi dhicisowdey ayna ku fahmeen dadkii Somasliyeed ee xilligaa noolaa.

Waxa munaasabada xalay ka dhacday magaalada Muqdisho soo qeyb galay Madaxweynah Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakisha ciidanka qalabka sida, maamulka gobolka Benaadir iyo marti sharf kale.

Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa fanaaniinta Hobollada Qaranka Waaberi, waxa ay madashada ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa todobaadka xoriyadda.

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe ee dalka ayaa sheegay in munaasabadaan ay qiimo weyn ugu fadhido guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeya oo ahaa hormuudkii soo qaban qabaiyay munaasabadan oo ka hadlau goobta ka jeediyay ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay ka shaqeeyaan midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Somaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeyay munaasabadda 26-June, isagoo tilmaamay in Ummadda Soomaaliyeed ay u midoobaan sidii ay u hanan layaaeen amniga dalka.

“Caawa iyo muhiimadda ay leedahay xafladan waa laga hadlay, Ra’iisul wasaare ku-xigeenkuna wuu ku mahadsanyahay sida uu noogu taabtay taariikhda loo soo maray maanta oo kale, Sooamaaliya, 1960-kii calanka caawa oo kale la taagay isago xor ah waa arrin farxad leh inaan xusno”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahaynayay in bulshada Soomaaliyeed ay la yimaadaan garowshiyo ku aadan dhibta walaalaha waqooyi gaaray, xoogana la saaro ka shaqeynta midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxbaa naga qaldamay, wixii naga qaldamay inaan saxno unbaa diyaar u nahay, mana rabno qalad horey u dhacay, markale inay soo laabato, waxaana diyaar u nahay inaan ka wada shaqeyno midnimada Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Xasan Sheekh oo xilligiisu dhacayo.

Munaasabadan xalay lagu xusayay 56-guuradii ka soo wareegatay markii gobolada waqooyi ka xoreebeen gumeystihii Ingiriiska ayaa ku soo aaday, iyadoo shalay gelinkii dambe argagixisadu xasuuqdey dadkeena taas oo noqotey cadowga cusub ee Somalida oo dhan.

june26-

june26-1-1

june26-2

june26-3

june26-4

june26-5

june26-6

june26-7

june26-8

june26-9

june-26-9

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...