Sidaad shalay wada daawateen saxaafada beesha dhexe ayaa afka ka xidhatay in ay si fiican oo xora uga duubaan kulankii dhexmaray xildhibaanada gobolada Awdal iyo gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo isagu ka soo jeeda Sool. Kulanka maanta ayaa lagu qabtey xafiiska gudoomiye ku xigeenka waxana laga soo saaray wax u muuqda heshiis laakiin aan la marinin halkii la mariyay xeerka.
Mar aan isha marinay saxaafada beesha dhexe oo inta badan ay wararka ka soo qaataan saxaafadaha ku hadla ama ku qoran magacyada Awdal ayaa laga waayay intooda badan heshiiskii ay wada gaareen gudoomiye Baashe iyo xildhibaanada gobollada Awdal oo dhamaystiran.
Guuxa ku jira beesha dhexe ayaa ah in gudoomiye Baashe aad u khaldan yahay oo aanu lahayn awood heshiis kula galo xildhibaanada. Mid ka mida shabakadaha beesha dhexe ayaa durba qortey in heshiiskaas meel maray oo dib looga noqon Karin.
Waxa aan sugnaaba waa siyaasiyiinta beesha dhexe oo ka daba hadla gudoomiye ku xigeenka taas oo ah wax ayna qarsan in xeerkaas lagu galo sidiisa Samaroonka qaylinayana aan dheg loo dhigin sidii horeba aan loo dhegeysan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM