X

Musharax Kismaayo ka soo cararay oo qarxiyay arimo badan

Musharax Maxamed Cali Yarow oo ka tagey Maraykanka kuna dhawaaqay inuu musharax u yahay kursi horjoogaha Kismaayo ayaa qarxiyay wuxuu ku soo arkay Kismaayo.

“Saddex goor ayaan isku dayey inaan Qabsado Xaflad aan muujinayo Qorshahayga, Ciidamada Maleeshiyaadka Axmed Maxamed Islaam  ayaa iga Hor istaagay”.


Waxaan markaasi kadib la kulmay Axmed Madoobe, Waxaan ka codsaday in Musharixiinta iyo odayaasha dhaqanka Xoriyad la siiyo, Wuxuuna xusay inuu iigu Jawaabay Amarkayga Qaado, oo Qaado Kaadhka doorashada “. Ayuu yidhi  Musharax Cali Yarow.


Wuxuu sheegay in magaalada Kismaayo ay maamulaan Urur Argagxiso oo Shaadh Dawladeed loo geliyey “Dadka Kismaayo jooga Xoriyad ay haystaan malaha, waxaana usii dheer Jidh-dil loo gaysto Qofkasta oo hadla “.

Musharixiinta ku sugan Kismaayo  ayuu ugu Baaqay inay Naftooda ka Fekeraan, Wuxuuna sheegay inuu Helay Qorshe Hotelkiisa loogala Bixi lahaa, Islamarkaana uu Nayroobi   u soo Cararay.


Musharaxa  Maxamed Cali Yarow ayaa sidoo kale Xog cusub ka sheegay Qaraxii Kismaayo  “Gabadha La yidhaahdo Hodan Naaleeye waxay duubaysay Barnaamij ku saabsan  Caruurta Askarta laga dhigayo, Waxaana Aaminsanahay in Weerarka Hotelka  lagu soo Qaaday uu ku Aadanaa Hodan Naaleeye “

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.