X

Wararkii u dambeeyay dagaalka Sanaag iyo Muuse Biixi oo lumiyay deegaano cusub

Waxa saaka markale rasaas goos goosa laga maqlayaa deegaano ku xeeran Ceerigaabo oo weliba xiga dhinaca xeebta kadib markii ciidanka Korneyl Caare la wareegeen deegaano horleh. Muuse Biixi ayaa hadda lumiyay xeebta Maydh halka dhamaan ciidankii joogey halkaas ay u galeen ciidanka Caare.


Waxa fashilmey dadaalo lagu doonaayay in xal looga gaaro dagaalka kadib markii hanjabaad kale ka timi Muuse Biixi taasina sababtey in lagu kala kaco.

Ciidanka Siciid Caare ayaa si xawliya ku socda ayna bateen dadka ku biiraya. Deegaanada ilaa hadda ay gacanta ku dhigeen ayaa waxa ku jirta deegaanka balaadhan ee buuraleyda ah.


Hoos ka daawo afhayeenka ciidanka Caare

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.