Musharixiinta u taagan jagada madaxweynaha Somaliya ayaa kulan loo diiday saxaafadda uga tashanaya xaaladda Doorashada Madaxweynaha oo loo asteeyay inay dhacdo 8-da bisha Febraayo 2017.
Shirkan oo ka socda Hotelka Jazeera ayaa warar ku dhowdhow ay sheegayaan in musharixiinta ay doonayaan in dib loo dhigo waqtiga doorashada iyagoo u baahan muddo dheeraad ah.
Musharixiinta kulanka ku jira waxaa ka mida:
1. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
2. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
3. C/qaadir Cosoble Cali
4. Cumar C/rashiid Cali
5. C/raxmaan Maxamed Faroole
6. C/raxmaan C/shakuur Warsame
7. Jabriil Ibraahim Cabdulle
8. iyo Musharixiin kale
Kulanka ayaa lagu wadaa inay war wadajir ah kasoo saaraan goor dhow oo ay saxaafadda la wadaagi doonaan.
Lama oga sida Guddiga Doorashada u aqbali doono rabitaanka musahrixiintan oo ay weli ka muuqato cabsi doorasho iyo inay waqti dheeraad ah u baahan yihiin, halkii ay markii hore ku doodi jireen in la daahiyay doorashada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS