X

Muuse Biixi hambadiina waa noo diidey duqii hore ee Boorama oo afka furtey

ARAABINEWS

Duqii hore ee degmada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane ayaa sheegay inuu Muuse Biixi hambadiina u ogoleyn reer Awdal haddana ay raadsadeen halkii ay wax ka helayaan.

”Markaan u tagney Muuse Biixi kadib markii aan ka hadalney saxaafada ayuu nagu yiri kuraasta ku xigeenka koowaad iyo ka labaad ee afhayeenka aqalka wakiilada waxa iska leh ISAAQ ee hambo idiinma hayo ayuu yiri duqii hore ee Boorama.


Maaha markii ugu horeysay ee si xun loo bahdilo gobolka Awdal sidana loo xaqiro la tusana in JUFO leedahay magacan Ingiriisku ka tagey ee Somalilaan reer Awdalna ka yihiin keliya kuwa lacagtooda lagu cuno.

Siyaasiyiinta gobolka oo intooda badan aad u tayo xun ayaa gobolka ku hayay meel aan u qalmin muddadaa 30-ka sanno ee dalku burbursan yahay ayuu qabaa Xuseen Warsame. “Xataa kursi ku xigeen ayay u quudhi waayeen gobol dhan oo u muhiima gooni goosadkooda.


Qaylada ka soo yeedhaysa duqii hore ee Boorama maaha mid meel-fog gaadhaysa waayo maaha kuwo xaqooda soo dhacsan kara ama go’aan cad ka qaadan kara maamulka beesha ISAAQ ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

”Waxa kale oo meesha taal in reer Awdal ayna kursiga keenin qof tayo leh oo u qalma oo cadkooda soo dhicin kara ayuu qabaa Maxamed Warfaa waayo Cali Xaamud oo ah shaqsiga ay wataan, wuxuu ka mid yahay kooxda Muuse Biixi marka dadka miyaad ku ciyaaraysaan ayuu raaciyay.


Si kastaba ha ahaatee waxa la sugaa in isbedel doonkan uu sheegayo duqii hore inuu gaadho afaafka ee Hargeysa. Hadalka duqii hore ayaan haba yaraatee ka muuqan isku kalsooni iyo cod wax dhacsan kara laakiin ah mid calaacal ka buuxo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.