X

Muuse Biixi kuma dhaco inuu Masar siiyo saldhig: ITOOBIYA

Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay warar sheegaya in horjooge Muuse Biixi oo aan meelna taageero ka haysan uu saldhig siinayo Masar si ay ugu duusho biyo-xireenka dalkeeda.


Muuse Biixi ayaa markiiba iska fogeeyay warkaas, taas oo noqon lahayd dhamaadka maamulkiisa aan meelna taageero ka haysan. Itoobiya ayaa sheegtay in arimaha noocana yihiin mid lagu khuukhinayo iyada laakiin ay ogtahay in maamulka Muuse Biixi far dhaqaajin karin.

”Maamulka Muuse Biixi wuxuu hoostagaa dawlada dhexe ee Somaliya, mana awoodo inuu ku kaco talaabo ka soo horjeeda Itoobiya ayuu yiri masuul ka tirsan wasaarada arimaha ee Itoobiya.


‘Waa jahwareer ay Masar soo faafsanayso waayo waxay ogtahay in isbedelka cusub ee gobolku uu keenay in nabad lagu wada noolaado, wadana wadanka kale farogelin ayuu raaciyay masuulku.


Si kastaba ha ahaatee Masar iyo Itoobiya ayaan welli xal ka gaarin arinta biyo xidheenka oo Masar ka baqayso in qulqulka biyuhu yaraadaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.